|
Muqdisho,(insidesomalia.org)- Wareegto kasoo baxday saakayto xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa xilkii looga qaaday dhamaan Maamulkii hore ee gobolka Banaadir, iyadoo la magacaabay Maamul ku meel gaar ah oo xilka sii haya mudo 15-casho ah.
Wareegtadan ayaa saxaafadda loo akhriyay kadib markii ey xalay ilaa saaka ay xarunta Madaxtooyada ka socdeen wadatashi ku aadan kala wareejinta xilalka Gobolka Banaadir.
waxaana halkaasi goobjoog ka ahaa sida ay inoo cadeeyeen ilo ku dhow dhow Madaxtooyada xubno ka tirsan Maamulkii hore ee hada xilka laga qaaday iyo kan cusub ee xilka sii haynaya.
Maamulkan cusub ayaa sida la sheegay waxaa gudoomiye looga dhigay Masuul lagu magacaabo Ibraahim Sheekh Muxuyadiin, waxaana uu xilkani sii hayn doonaa mudo 15-casho ah, iyadoo dabadeedna Dowladda soo dhisi doonto Maamulka sida joogtada ah u hayn doona xilka Gobolka Banaadir.
Wareegtadan ayaa xilka looga qaaday maamulkii hore ayaa waxaa ku sixiixan madawene Cabdullaahi Yuusuf oo horay uga biyo diiday in uu xilka ka qaado.
Maamulkan cusub ayaa gabi ahaanba ka madaxbanaan kii hore, mana jiraan xubin horay uga tirsanaa kii hore oo ku jiran Maamulkan cusub.
|